Shacabka Nairobi oo toddobaadkan loo bandhigayo hindisaha wax looga beddelayo dastuurka

Dadweynaha ku nool ismaamulka Nairobi ayaa laga billaabo maalinka talaadada aragtidooda ka dhiiban doono hindise sharciyeedka loo yaqaano Punguza Mizigo bill oo ay micnaheedu tahay culeyska hala yareeyo ee la doonayo in wax looga beddelo sharciga wadanka.
Guddiga golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo sharciga ayaa casuumaad u fidiyay shacabka iyo khuburada arrinkan sida gaarka ah u daneeya.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii goluhu uu meesha ka saaray qorsho ahaa in laga doodo hindisaha uu hor kacayo hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot.
Shacabka ayaa laba maalmood fursad loo siinaya inay aragtidooda ku biiriyaan soo jeedinta Aukot oo ay ka mid tahay in la yareeyo tirada xildhibaanada baarlamaanka sido kalena meesha laga saaro xilalka magacaabidda ee golayaasha kala duwan.
Dr. Aukot ayaa sido kale ku talinaya in la kordhiyo miisaaniyadda dowladda dhexe ay siiso ismaamulada halka muddo xileedka madaxweynaha laga dhigo hal xilli oo toddobo sano ah.
Dadweynaha ku nool deegaanada Starehe iyo Mathare ayaa afkaartooda ku dhiiban doono xarunta shirarka ee Kariokor halka kuwa ka soo jeedo deegaanada Roysambu, Kasarani iyo Ruaraka iyagana lagu qaabili doono goob Kahawa West .
Shacabka deggan Waqooyiga, koonfurta , bariga iyo galbeedka Embakasi waxay isugu tagayaan fagaaraha Umoja One ward.
Maalinka arbacada waxaa fursad la siinaya shacabka deegaanada Makadara iyo Kamukunji oo isugu tagaya goobta shirarka ee Jericho Social Hall halka kuwa Langata iyo Kibra aragtidooda ay ku dhiiban doonaan hoolka shirarka ee Karen .
Codbixiyayaasha deegaanada Westlands, waqooyiga iyo koonfurta Dagoretti waxay isugu tagayaan hoolka shirarka ee Riruta Waithaka .
Marka la aruuriyo aragtida dadweynaha , xubnaha guddigan ayaa warbixin diyaarinaya waxaana loo gudbinaya golaha hoose ee caasimadda dalka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dalladda ay ku mideysanyihiin golayaasha ismaamulada dalka ee (CAF) ay soo saartay amar si ku meel gaar ah lagu hakinayo ka doodidda hindisahan si dadweynaha fursad loo siiyo.
Hindise sharciyeedka Dr. Ekuru Aukot ayaa laga diiday ismaamulada Siaya, Homa Bay, Murang’a iyo Kirinyaga balse waxaa laga meel mariyay Uasin Gishu.
Si baarlamaanka dalka loogu gudbiyo waxaa la doonaya inay ansaxiyaan 24 ka mid ah golayaasha 47-da ismaamul ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here