Shacabka oo aan loo ogolaan doonin maxkamadaha

Madaxa caddaaladda ee dalka Mr. David Maraga ayaa sheegay in si looga hor tago faafidda caabuqa Coronavirus ay go’aansadeen in dadweynaha aan loo ogolaan inay gudaha u galaan maxkamadaha.
Waxaa la fasaxayaa oo keliya cidii maxkamadda gaynaysa arrin degdeg ah.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu amar ku bixiyay in lagu dadaalo xakameynta cudurkan oo ila iyo hadda gudaha wadanka lagu arkay saddex kiis oo la xiriira.
Ilaalada maxkamadaha ayaa dhanka kale lagu amray inay si buuxda u dhaqangeliyaan go’aammada cusub ee la qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here