Shacabka oo loo fududeeyay helidda macluumaadka dhanka sharciga

Golaha qaran ee ka war bixiya arrimaha sharciga ayaa magaaladatani Nairobi xariga kaga jaray qorshaha istaraatiijiga ee inta u dhexeysa sannadkii 2018-2022-ka.
Waxay tani micnaheedu tahay in hadda kaddib shacabka ay si fudud ku helayaan xog waliba oo ku saabsan sharciga dalka.
Qorshahan ayaa xoogga saarayo sida sare loogu qaadi karo wacyiga dadweynaha ee dhanka dastuurka iyo xeerarka ku qeexan.
Madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga oo qorshahan soo bandhigay ayaa sheegay inuu kaalin weyn ka qaadanayo in dadweynaha ay si buuxda u fahmaan shuruucda wadanka lagu maamulo si ay kala dambeyn u jirto caddaaladna loo helo.
Madaxa fulinta ee golaha qaran ee qaabilsan ka warbixinta arrimaha sharciga ,Long’et Terer ayaa dhankiisa sheegay in qorshaha oo hadda ku qoran luqadda ingiriiska sido kale lagu turjumi doono luqadda sawaaxiliga si dad badan ay u fahmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here