Shacabka oo looga digay inay fududeystaan COVID19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa dadweynaha ku booriyay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si ay kaga badbaadaan caabuqa corona.
Waxaa uu shacabka ku booriyay inay ku cibra qaataan saameynta uu cudurka ku yeeshay caalamka.
Kagwe ayaa xusay in halista COVID19 ay dhab tahay sidaas awgeedna cid kasta laga doonaya inay ku dadaasho badbaadinta nafteeda iyo si guud bulshada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay wiil uu sheegay in kaddib markii laga helay cudurka COVID19 uu diiday inuu meel gaar ah isku karantiilo taasoo sababtay inuu cudurka u gudbiyo gabadh ay wada dhasheen iyo waalidiintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here