Shacabka oo loogu baaqay in maaskarada la isticmaalay aynan waddooyinka ku tuurin

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dadweynaha kula talisay in kaddib marka ay marada sanka lagu xirto ee loo yaqaano facemask isticmaalaan aynan ku tuurin waddooyinka.
Waxaa shacabka lagu booriyay inay geeyaan meelaha qashinka loogu talagalay.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu wargeyska rasmiga ee Dowladda ku soo daabacay in qof kasta oo ku sugan goobaha dadweynaha ay Khasab tahay inuu maaskaro sito.
Cidii aan amarkan u hoggaansamin waxaa lagu ganaaxaya 20,000 oo shilin ama waxaa la xiraya muddo 6 bilood ah .
Afhayeenka Dowladda dhexe Mr. Cyrus Ogun ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray waxaa uu faahfaahin ka bixiyay siyaabaha looga hor tagi karo faafitaanka cudurka Covid-19.
Waxaa tallaabooyinkan ka mid ah in qofka uu maaskaro xirto , inaan aad la isugu dhawaan ee labada qof ay isu jiraan ugu yaraan hal miitar, in si joogto ah gacmaha loogu dhaqdo saabuun iyo biyo ama gacma nadiifiyaha loo yaqaano Hand sanitizer, in qofka hadii uu isku arko astaamaha sida hergebka ee qandhada ,neefsashada oo qofka dhibta uu aado xarunta caafimaad ee ugu dhow.
Hadii aad doonayso caawimaad arrinkan ku aaddan waxaad wacaysa nambarka ah 719 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here