Shacabka oo loogu baaqay inaynan faquuqin dadka cudurka covid-19 ka bogsaday

Xoghayaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa dadweynaha ku boorisay inaynan faquuq kula kicin shakhsiyaadka uu haleeyay cudurka covid-19 kaddibna ka bogsaday.
Qoysaska ay dadkan ka soo jeedaan iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa loo soo jeediyay inay dadkan soo dhaweeyaan.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha dalka cudurka kaga bogsaday 129 qof.
Waxaa u dhintay 15 ruux halka tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyay ay tahay 384.
Dr. Mwangangi ayaa baaqan jeedisay kaddib markii sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka loo soo gudbiyay warbixino badan oo tilmaamaya in dad cudurka ka caafimaaday la takooray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here