Shacabka oo loogu baaqay inaynan fududeysan cudurka COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa mar kale dadweynaha ku boorisay inay sii wadaan u hoggaansanka amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka fayraska corona.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in kiisaska caabuqa ay sii kordhayaan maalinba maalinka ka dambeysa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tan iyo markii la qaaday qaar ka mid ah xayiraadihii hore loo soo saaray uu jiro fududeys la xiriira halista cudurka.
Baaqa wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay ay wasaaradda caafimaadka ee dalka shaacisay in gudaha wadanka ay cudurka COVID19 ugu dhinteen sagaal bukaan oo kale.
Tani ayaa dhimashada guud ka dhigtay 234 qof waxayna kiisaska dhimashada u dhigmaan boqolkiiba 1.75 .
Dhimashadii ugu badneyd ee ka dhalatay cudurkan gudaha Kenya waxaa la diiwaangeliyay bishii Afaraad ee sannadkan xilligaas oo ay ahayd boqolkiiba 5.1.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay sido kale bogsadeen 682 ka mid ahaa dadkii uu xanuunka soo ritay.
562 ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa guriyaha lagu daryeelayay.
Bogsashada guud waxay hadda tahay 5,122 tan iyo 1-dii bishii Afaraad.
Mr. Kagwe ayaa dhanka kale shaaciyay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 603 kaddib baaritaano lagu sameeyay 5,724 oo dheecaan ah.
Xaaladaha guud ee fayraska corona ee dalka waxay hadda yihiin 13,353.
Kiisaska cusub ee lagu dhawaaqay galinkii dambe ee shalay ayaa isugu jiro 361 lab iyo 242 dheddig ah waxayna dadka laga helay da’dooda u dhaxaysaa canug dhallan toddobo bilood iyo qof 86 sano jir ah.
Ismaamulka Nairobi waxaa laga xaqiijiyay (441) xaaladood, Kiambu (44), Mombasa (22), Nakuru(17), Kilifi(10), Machakos(6), Kisii(6), Makueni (5), Murang’a (3), Nyeri (2)Kakamega, Kericho, Kisumu, Kwale Lamu, Narok, Tharaka Nithi iyo Uasin Gishu oo min hal kiis ah.
Ismaamulka Nairobi kiisaskan ayaa laga diiwaangeliyay deegaannada Lang’ata oo (43) ah, Westlands(43), Waqooyiga Dagoretti (34), Kibra (33), Ruaraka (33), bariga Embakasi (28), Makadara (26), Roysambu (25),Koonfurta Embakasi (23), Galbeedka Embakasi (23), Kasarani (23),Waqooyiga Embakasi (21), Kamukunji (20), Koonfurta Dagoretti (15), Bartamaha Embakasi (9) iyo Mathare (4).
Tan iyo markii bishii saddexaad ee sannadkan gudaha wadanka lagu arkay kiiskii ugu horeeyay ee coronavirus waxaa la baaray dheecaan dhan 243,887.
Dhanka kale Sahan ay sameysay shirkadda darasaadka ee (TIFA) ayaa boqolkiiba 33 ku tilmaamay sida ay dowladda ula tacaashay cudurka COVID19.
Boqolkiiba 48 ee dadka ku nool xaafadaha isku raranta ah ee la wareystay waxay sheegen in falcelinta dowladda uu si un wax ku ool u yahay.
Darasaadkan waxaa sido kale gacan ka gaystay safaaradda dowladda Canada ee Kenya iyo hay’adda Hanns Seidel Foundation qeybteeda (Kenya).
Cilmi baaristii hore waxaa waxqabadka dowladda lagu sheegay boqolkiiba 40 .
Boqolkiiba sagaal ka mid ah 579 qof oo lagu wareystay qaar ka mid ah xaafadaha Nairobi waxay sheegeen in falcelinta dowladda aynan ahayn mid gaarsiisan heerkii la rabay.
Darasaadkan oo la sameeyay intii u dhexeysay 2-dii ilaa iyo 15-kii bishii lixaad ee sannadkan ayaa boqolkiiba 23 ku sheegay tageerada dowladda ay siisay dadka danyarta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here