Shacabka Soomaali Galbeed oo Canbaareeyay Munaasabada lagu xusay Askartii Ethopia uga dhimatay 77.

Kadib markii 42 kadib Magaalada Adisababa ee xarunta dalka Ethopia lagu qabtay Munaasabada lagu xasuusanayay askartii Ethopianka kaga dhibatay dagaalkii 77-kii dhulka Soomaali Galbeed ku dhexmaray Ciidamadii Soomaaliya iyo kuwii Ethopia ayaa waxaa arintaasi wax laga xumaado oo dhacdooyin hore lagu soo furfurayo ku tilmaamay Qaar ka mid ah Bulshada ku nool dowlada deegaanka Soomaalida.
Ra’isulwasaaraha dalka Ethopia Abiy Axmed ayaa sheegay inay askartaasi shuhado ahaayeen sidoo kale waxaa jira kuwo Taalooyin loo dhisay waxaana Talaabooyinkaas kuwo aan haboonay ku Tilmaamay shacabka Dowlad deegaanka Soomaalida iyo hogaamiyeyaasha gobolkaas intaba,iyagoo sheegay in dagalkii 1977-kii uu ahaa mid halgan ah islamarkaana ay Soomaalidu Xoriyadooda ku raadsanayeen.

Wasiirka Howlaha guud ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dhankiisa wax laga Xumaado oo aan la aqbali akrin ku tilmaamay arintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here