Shacabka Talyaaniga oo dhammaantood la karantiilaya

Dhammaan dadka ku nool dalka Taliyaaniga oo tiro ahaan gaaraya 60 milyan oo qof ayaa xayiraad dhanka socodka ah la saaray si loo karantiilo oo loola tacaalo xanuunka Coronavirus .
Go’aankan ayaa waxaa shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha dalkaasi Giuseppe Conte gelinkii danbe ee Isniinta.
Xayiraaddan ayaa waxaa markii hore ay saarneeyd Waqooyiga Taliyaaniga ka hor inta aan lagu soo rogin guud ahaan wadanka.
Tallaabada ra’iisul wasaaraha ayaa imanaysaa iyada oo 97 dhimasho oo cusub laga soo tabiyay dalkaasi halka dadka Talyaaniga ugu dhintay cudurka ay tahay 463 qof , tirada guud ee uu saameyayna lagu sheegay in ka badan 9,000.
Guud ahaan caalamka dad gaaraya 3,800 ayaa u dhintay cudurka uu sababay caabuqa ee COVID-19 halka la xaqiijiyay 110,000 oo kiisas ah.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa hadda sheegaysa in halista caabuqan saameeyay qaar ka mid ah wadamada dunida ay tahay mid dhab ah.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha dalka Czech Republic Andrej Babis ayaa sheegay in dhammaan iskuulada dalkaasi la xiri doono iyo jaamacadaha laga billaabo Arbacada iyada oo ay jiraan 40 kiis oo ah cudurka Corona oo la soo tabiyay.
Waaxda caafimaadka ee dalka Philipine ayaa shaaca ka qaaday in 11 kiis oo cusub lagu arkay wadankaasi taas oo tirada guud ka dhigeeysa 35.
Dalka Lebanon ayaa waxaa maanta laga soo sheegay qofkii ugu horeeyay oo u dhintay cudurka Coronavirus sida ay shacisay wasaaradda caafimaadka.
Shirkadda British Airways ayaa dhankeeda joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here