Shacabka Thailand oo mar kale dibadbaxyo dhigay

Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha dalka Thailand ayaa maanta mar kale isugu soo baxay waddooyinka magaalada Bangkok iyagoo dhigaya dibadbax ka dhan ah dowladda wadankaas.
Dadkan ayaa dafiray amar lagu mamnuucay isku imaatinka shacab ka badan 5 qof.
Sido kale waxaa Thailand ka dhaqangashay xaalad degdeg ah oo la doonayo in lagu soo afjaro mudaharaadyada socday saddexdii bilood ee ugu dambeysay.
Dadka ayaa dalbanaya isbeddel dhanka hoggaanka oo ay ka mid tahay inuu is casilo ra’iisul wasaare Prayuth Chan-ocha .
Khamistii ayay ahayd markii dowladda Thailand ay mamnuucday in mudaharaad laga sameeyo magaala madaxda wadankaas ee Bangkok balse waxay u muuqataa inaan amarkaas weli loo hoggaansamin.
Waxaa sido kale jiro warar sheegaya in la qorsheeyay in dibadbaxyada ay ka dhacaan ugu yaraan 19 ka mid ah gobollada Thailand.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here