Shacabka Turkana oo loo diray digniin ku saabsan fatahaado

Dadweynaha ku nool ismaamulka Turkana ayaa loogu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si ay kaga badbaadaan saameynta fatahaado laga cabsi qabo.
In ka badan 300,000 oo ka mid ah dadka halkaas deggan ayaa lagu booriyay inay meelo uu jooggoodu sarreeya ay u waregaan si badqabkoodu loo xaqiijiyo.
Tani ayaa timid kaddib markii ay soo baxday cabsi ah in daadad ay ka dhalan karaan biyo xireenka Turkwel Dam oo buuxsamay.
Maamulka qaabilsan maareynta kheyraadka biyaha ee WRA ayaa sheegay in ugu yaraan 300,000 oo qof oo ku nool magaalooyinka Lodwar, Katilu, Loyapat iyo Nakwomoru ay suurtagal tahay inay guriyahooda ka barakacaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here