Shaqaalaha aqalka sare ee da’a ahaan ka weyn 58 sano oo la fasaxaya

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Mr. Ken Lusaka ayaa soo saaray tallaabooyin dhowr ah oo looga gol leeyahay in xubnaha senate-ka looga badbaadiyo cudurka Covid-19 .
Mr. Lusaka ayaa sheegay in senatarada ay da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka sarreeya hadda kaddib loo ogol yahay inay waajibaadkooda gutaan iyagoo guriyahooda ku sugan.
Waxay tani micnaheedu tahay inaynan soo xaadiri doonin kal fadhigga aqalka sare ee dalka uu yeesho galinka dambe ee maalinka Talaadada.
28 ka mid ah xubnaha aqalka sare oo keliya ayaa kulanka ka qeyb galaya.
Sido kale senetarada ayaa la doonaya inaynan aad isugu dhawaan marka ay kal fadhiga yeelanayaan.
Kulamada aqalka sare ayaa dhici doono inta u dhaxaysa 2.30- 4.30 galabnimo si siyaasiyiinta ay guriyahooda ugu sugnaadaan ka hor 7-da fiidnimo oo uu bandowga billowdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here