Shaqaalaha caafimaadka Kisumu oo shaqo joojin sameeyay

Shaqaalaha ismaamulka Kisumu ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin kaddib markii aan la siinin mushaaraadkooda.
In ka badan 175 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee ismaamulkaasi ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojinta .
Waxay dowladda ismaamulka Kisumu ku eedeeyeen inay ku guul dareysatay bixinta lacagaha musharaadka shaqaalaha caafimaadka
Golaha hoose ee ismaamulka Kisumu ayaa horaan u meel mariyay lacagaha loogu tala galay in lagu bixiyo mushaaraadka shaqaalaha caafimaadka balse la sheegay in dowladda ismaamulkaasi ay ka caga jiideyso n ay bixiso.
Mr Geoffrey Muga oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee dowlad deegaankaasi ayaa sheegay in shaqa joojinta ay sii wadi doonan ilaa laga xaliyo cabashooyinkooda .
Mr Geoffrey Muga ayaa sheegay in heshiiskii ay la galeen dowladda ismaamulkaasi uu dhigaya in bil kasta mushaar ahaan loo siinaya inta uu dhaxeysa 70,0000 ilaa 80,000 oo shilin laakin dowladda ismaamulkaasi ay hoos uu dhigtay mushaarkooda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here