Shaqaalaha dowladda ismaamulka Kitui oo dibadbax dhigay

Shaqaalaha dowlada ismaamulka Kitui ayaa curyaamiyay hawlahooda shaqo ka dib markii ay isugu soo baxeen wadooyinka iyagoo ka mudaaharaadaya mushaaraadkooda oo dib udhacay.
Shaqalaaha xukumada dowlad deegaankas ayaa sheegay in muddo 3 bilood ah aysan wax muushaar ah helin.
Tani ayay u aaneeyeen ismaadhaaf dhanka miisaaniyada ah oo u dhaxaysay golaha deegaanka iyo maamulka dowlada Kitui.
Benjamin Munyalo, oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Kitui, ayaa sheegay in muushaar la’aantan ay sabab u tahay dowladda Kitui.
Waxaa uuna sheegay in mushaar aysan helin bilaha Julaay, Ogosto iyo Sebtember.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here