Shaqaalaha dowladda oo laga dalbaday inay iska casilaan xilalka siyaasadeed

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa saraakiisha dowladda ee xilalka ka haya xisbiyada siyaasadeed ka dalbaday inay is casilaan.
Guddigan ayaa xusay inaysan suurtagal ahayn in mas’uuliyiintan ay si daacad ah ugu adeegaan shacabka.
Madaxa fulinta ee EACC Twalib Mbarak ayaa sheegay inay jiraan shaqaale dowladeed oo ku howlan horumarinta danaha iyo arrimaha xisbiyadaha.
Waxaa uu xusay in tani ay sharci darro tahay isagoo soo xigtay cutubka 77-aad farqadiisa labaad ee dastuurka wadanka oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay xilal ka qabtaan xisbiyada siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here