Shaqaalaha Garsoorka dalka oo lagu amray inay ka soo shaqeeyaan guriyahooda

Shaqaalaha waaxda garsoorka ee dalka ayaa lagu amray inay ka soo shaqeeyaan guriyahooda si looga hortago faafida cudurka Coronavirus, oo tirada dadka uu ku dhacay gudaha dalka ay gaartay 16 qof .
Warqad ay soo saartay madaxa diiwaangelinta ee garsoorka , Anne Amadi, ayay ku sheegtay in saraakiisha ka howlgalo maxkamadaha dalka ay waajibaadkooda gudan doonaan iyaga oo isticmaalaya elektroonika sida emaila-da.
Ms Amadi ayaa xustay in madaxada xarumaha kala duwaan ay bannaanka ku sharaxaan cinwaanada labo sarkaal oo ka howlgala maxkammada.
Markaas ka dib ayaa loo sii wareejin doonaa diiwaan-hayaha garsoorka si uu u fududeeyo in lagu soo daabaco bogga internet-ka ee waaxda caddaaladda.
Ms Amadi waxay sidoo kale kula talisay madaxda xarumaha inay la jaan qaadaan tilmaamaha la xiriira Cilmiga Maareynta Kiiska lagu fuliyo qaabka Elektiroonigga ah ee cusub ee 2020-ka oo uu dhawaan daah furay Madaxa cadaaladda David Maraga loona isticmaalo daruufaha hadda jira oo kale.
Tallaabadan ayay ku sheegtay in la qaaday kaddib markii shaqaalaha waaxda garsoorka ay qeylo dhaan ka soo saareen badqabkooda xilliyada ay soo xaadiraan maxkammadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here