Shaqaalaha India oo shaqa joojin sameeyay

Tobanaan kun oo ka mid ah shaqaalaha dowladda India ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhaqaaqay shaqa joojin.
Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo sido kale adeegyada bangiyada.
Waxay cabasho ka muujinayaan saameynta ka dhalatay dhaqaalaha sii liicaya iyo gaabad ku yimid dhanka shaqooyinka.
In ka badan 10 ka mid ah ururrada shaqaalaha ee India oo lala xiriirinayo xisbiyo uu ka mid yahay mid ugu weyn ee mucaaradka ayaa ku baaqay shaqa joojin qaran.
Shaqaalaha ayaa ka soo horjeeda isbeddelo la xiriira shaqada iyo shaqaaleysiinta oo uu dhawaan sameeyay ra’iisul wasaare Narendra Modi.
Waxyaabaha muranka dhaliyay waxaa ka mid ah in dowladda ay shakhsiyaad ku wareejinayso qaar ka mid ah shirkadaheeda sida Air India iyo BPCL oo ka mid ah kuwa shidaalka sido kalena in la isu geeyo ama mid laga dhigo bangiyada dowladda.
Bishii Diseembar ee sannadkii hore ayaa la soo tabiyay in heerka shaqa la’aanta ee India uu kordhay boqolkiiba 7.7 marka la barbardhigo sannadkii ka sii horreeyay oo uu ahaa boqolkiiba 7.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here