Shaqaalaha ismaamulada dalka oo loo diray fasax 14 maalmood ah

Golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG go’aan ay soo saareen ayay ku shaaciyeen in fasax 14 maalmood ah loo diray shaqaalaha dowlad deegaanada dalka kuwaas oo aan heynin adeegyada muhiimka ah.
Tani ayaa loo sababaynayaa dhaqaala la’aanta ka jirta ismamaulada dalka iyagoona aan wali lacagaha loo fasixin .
Guddoomiyaha golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa hoosta ka xarriiqay inay weli sideedi tahay digniintii ku aadaneyd in 17-ka bishan oo berri ah ay hakad gelayaan howlaha ismaamullada.
Waxaa uu xusay in ismaamullada ay wajahayaan caqabad dhaqaale sidaas awgeedna uu jiro qorsho shaqaalaha lagu kala diraya.
Mr. Oparanya ayaa wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ka dalbaday inay dowlad deegaanada ku wareejiso boqolkiiba ugu yaraan 50 ee dakhliga dalka sida ay maxkamadda wadanka ugu sarreysa ku talisay.
Waxaa uu sheegay in hadii aynan tani suurtagal ahayn loo baahan yahay in si buuxda loo soo saaro lacagihii ismaamullada loo qoondeeyay bilihii toddobaad, sideedaad iyo bishan sagalaad.
Guddoomiyaha Kakamega ayaa ku nuuxnuuxsaday hadii aan tallaabo degdeg ah la qaadin inaysan u furnayn waddo kale balse la joojinaya howlaha ismaamullada tani oo ay micnaheedu tahay inay istaagayaan adeegyada shacabka loo fidiyo.
Sido kale waxaa uu ku baaqay in la kala diro xubnaha aqalka sare oo shalay markii 10-aad aan wax heshiis ah ka gaarin nidaamka ay ismaamullada ku qaybsanayaan dakhliga
Mr. Oparanya ayaa sheegay in shaqaalaha ismaamullada qaar oo ay ka mid yihiin howlwadeeno caafimaad aan mushaaraad la siin saddex bilood.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. Ukur Yatani oo hor tagay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa sheegay inuusan awood dastuuri ah u lahayn xallinta muranka taagan ee la xiriira hannaanka saddexaad ee dakhli qaybsiga ismaamullada.
Dhinaca kale senetarka ismaamulka Makweni Mutula Kilonzo Junior ayaa bartiisa twiitarka ku soo qoray talaabada ay qaadayaan gudoomiyaasha inay tahay mid jabinayso dastuurka dalka u degsan isagoona sharci daro ku tilmaamay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here