Shaqaalaha ismaamulada oo weli dhaliil u jeedinaya qaar ka mid ah dowlad deegaanada

Ururka ay ku mideysanyihiin shaqaalaha ismaamulada dalka ee magaciisu loo soo gaabiyo KCGWU ayaa sheegay in dowlad deegaanada Kisumu, Kitui, Laikipia, Homa Bay, Samburu iyo Busia aynan muujin wax niyad wanaag ah oo ku aaddan in la xalliyo muran kala dhexeya.
Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah ismaamulada dalka ay ka dhaqan gashay shaqa joojin ay howlwadeenada billaabeen.
Waxay ka cabanayaan inaan weli la siinin musharaadkii ay u xaq lahayeen bishii toddobaad ee sannadkan.
Arrimahan ayaa waxaa shaaca ka qaaday xoghayaha guud ee ururkan Roba Duba .
Mr. Duba ayaa xusay in 24 ka mid ah ismaamulada dalka aynan weli shaqaalahooda siin musharaadkii bishii hore balse inta aan ka ahayn lixda aan soo sheegnay ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay tixgeliyaan cabashada howlwadeenada.
Ismariwaaga u dhexeya labada dhinac ayaa loo aaneeyay inuu sabab u noqday dib u dhac ka dhashay bixinta musharaadka iyadoo dhanka kale aan weli wax xal ah laga gaarin qaabka dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dakhliga qaran ee dalka soo galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here