Shaqaalaha ismaamulka Mandera oo maanta xafiisyada dib ugu laabtay

Howlwadeenada waaxyaha kala duwan ee dowlad deegaanka Mandera ayaa maanta shaqooyinkoodii dib ugu laabtay kaddib amar ka soo baxay barasaabka ismaamulkaas Cali Ibrahim Roba.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Roba uu shaqaalaha fasaxay xaaladii kacsanayd ee dhanka ammaanka awgeed.
Waxaa uu xilligaas sheegay in saraakiisha waaxyaha caafimaadka , dab damiska iyo biyaha keliya ay shaqeyn karaan.
Guddoomiyaha Mandera ayaa go’aanka howlwadeenada ismaamulka dib loogu yeeray u aaneeyay wada hadallo u dhaxeya Kenya iyo Soomaaliya oo horseeday in la dejiyo xasaradii maalmo ka hor laga soo tabiyay Beledxaawo ee dhexmartay ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland kaddibna saameyn ku yeeshay Mandera.
Cali Roba ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan jirin weerar kale oo dhacay wixii ka dambeeyay 2-dii bishan saddexaad .
Barasaabka ayaa amar ku bixiyay in laga billaabo maanta dabagal lagu sameeyo adeegyada laga fidiyo waaxyaha kala duwan iyo saraakiisha ka howlgalo.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku ammaanay wada hadallada uu furay ee kala dhexeya dhigiisa soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here