Shaqaalaha Kenyaanka oo maanta fasax ah

Shaqaalaha dowladda ayaa maanta fasax ah oo aanan tageynin goobihii ay ka howlgalayeen kaddib markii maalinkii khamiista ee toddobaadkii hore uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi uu shaaciyay in 12-ka bishan ay tahay maalin fasax qaran.
Dowladda ayaa tallaabadan qaadday si bulshada muslimiinta ah ee shalay ciiday fursad loogu siiyo inay sii dabaaldegaan.
Wargeyska dowladda ayuu wasiirku maalmo ka hor arrinkan ku soo daabacay isagoo cuskanaya farqada saddexaad ee sharciga la xariira fasaxyada qaran.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu muslimiinta ku nool gudaha wadanka ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimada ka dhexeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here