Shaqaalaha maamulka hoose ee Nairobi oo shaqo joojin ku hanjabay

Shaqaalaha ismaamulka Nairobi ayaa sheegay inay shaqo joojin ku dhaqaaqayaan hadii aan la siin musharaad ka soo dib dhacay.
Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ayay u qabteen muddo hal isbuuc ah.
Waxay dalbanayaan in toddobo cisho gudahood lagu siiyo mushaar ay qaadan lahaayeen bilihii toddobaad iyo sideedaad ee sannadkan.
Howlwadeenada ayaa wacad ku maray in hadii aan digniinta ay soo saareen la tixgelin ay shaqo joojin guda galayaan.
Saraakiishan ayaa wasaaradda ku eedeyay inaysan u caddaalad falin marka loo barbardhigo shaqaalaha maamulka NMS.
Xoghayaha ururka shaqaalaha ismaamullada laantiisa Nairobi Boniface Waweru ayaa dalbaday in si degdeg ah looga jawaabo tabashooyinkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here