Shaqaalaha Mareykanka oo lagu amray inay ka baxaan Iraq

61

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa maanta ku amartay dhammaan shaqaalaheeda inay ka baxaan safaaradeeda Baghdad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran.
Washington ayaa maalmihii dhowaa sare u qaaday cadaadiska ay ku hayso Tehran, ayada oo Iran ku eedeysay inay qorsheeneyso weerar soo socda oo ay ka fulineyso gobolka
Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii tagay xirtay qunsuliyadeeda magaalada Basra oo dibadbadbaxyo xoogan ay ka dhaceen, waxayna ciidamada Iran ay taageerto ku eedeysay inay soo weerareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here