Shaqaalaha qashinka ka aruuriyo Nairobi oo gadoodsan

Waxaa shaqa joojin ku dhaqaaqay saraakiisha ka shaqeeya nadaafadda caasimadda wadanka ee Nairobi gaar ahaan kuwa qashinka ka aruuriyo.
Howlwadeenada oo qaab qandaraas ah ugu shaqeynayay dowladda ismaamulka Nairobi ayaa cabasho ka muujinaya lacago aan la siin.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo waaxyaha maaliyadda iyo maareynta deegaanka ee magaala madaxda wadanka ay isku jeedinayaan eedeymo ku aaddan cidda ka gaabisay xal u helidda tabashooyinka saraakiisha dhigay qalabkii ay ku shaqeynayeen.
Wasiirka arrimaha deegaanka ee Nairobi, Larry Wambua ayaa caga jiidka jira xaqiijiyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha gadoodsan ay inta badan ka howlgeli jireen bartamaha magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here