Shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed oo baaris amni lagu samaynayo

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorsho baaritaan ah oo loogu sameeynayo dhamaan Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliyeed
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska siihayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha dowladda lala yeelan doono wareysi dhinaca Amniga ah,isla markaana baaritaankaan ay sameyn doonto Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA.
Dhamaan Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la faray inay hay’adda NISA kala Shaqeeyaan sidii hubin amni iyo baaritaan loogu sameyn lahaa Dhamaan Shaqaalaha qaybahooda kala duwan.
Tallaabadaan baaritaanada dhinaca amniga ah ee loogu sameynayo Dhamaan Shaqaalaha Rayidka dowladda ayaa waxay daba socotaa xilli dhowr jeer oo hore la xiray sidoo kalena ay falal Amni darro geysteen qaar kamid ah Shaqaalaah Rayidka ee dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay si hoose ula Shaqeynayeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here