Shaqaalaha Soomaaliland oo la fasaxay

War Qoraal ah oo Maanta kasoo baxay Hay’adda Shaqaalaha Soomaaliland ayaa loogu dhawaaqay in la fasaxay dhamaan Shaqaalaha kala duwan ee Soomaaliland laga bilaabo Beri oo Taariikhdu tahay 18/5/2020 ilaa 19-ka isla Bishaan.
Qoraal kasoo baxay Hay’ada Shaqaalaha Soomalailand ayaa lagu sheegay in shaqaalaha loo fasaxay sababo la xiriira Sanad-guurada 29aad oo ku beegan Maalintii Soomaaliland ay ku dhawaaqday inay ka Go’day Soomaliya inteeda kale ee 18 Bisha May.
Fasaxa la siiyay dhamaan Shaqaalaha soomaaliland ayaa waxaa qeyb ka ah Wasaaradaha yo hay’adaha kale ee Xukuumadda,iyadoo hambalyo loo diray dhamaan Shacbaka ku nool deegaannada Maamulka Soomaaliland.
Sanadkan ayaa Soomaaliland waxaan ka jirin munaasabado loogu dabaal-degayo xuska markii Soomaaliland ay sheegtay inay gooni isku taagtay sababo la xiriira Cudurka COVID-19 ee aduunka oo dhan Saamaynta weyn ku yeeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here