Shaqaalaha xarunta caafimaadka ee Toi Market oo la karantiilay

Xarun caafimaad oo ku taala suuqa Toi ee magaaladatan Nairobi ayaa shan ka mid ah shaqaalaheeda daryeelka caafimaadka ee gacanta ku hayaay Bukaan u dhintay cudurka Covid-19 ayaa la karantiilay.
Cabsida ayaa ah in shanta shaqaale ay ku guul darreysteen inay xirtaan qalabka looga gaashantoo cudurka oo aan ku filan tan iyo markii bukaanka lagu arkay astaamaha cudurka.
Ila 24 qof oo lala xiriiray bukaanka oo ay ku jiraan 5 dhakhaatiir caafimaad iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ee xarunta Vostrum ayaa la karantiilay.
Ernest Kosgei oo ah bukaanka geeriyooday ayaa da’adiisu ahayd 55 sano jir ayaa xalay lagu aasay gurigiisa oo kuyaala deegaanka Kawaget ee ismaamulka Bomet
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in dowladda ismaamulka iyo dowladda dhexe ay ku raad joogaan dadkii xiriirka la sameeyay.
Waxaa dhanka kale la sheegay In kosgei uu ku noola qol kaligiis balse waxaa lala xiriiray in uu xiriir la sameeyay dad badan oo reer Kibra ah.
Waxaa uu la daala dhacayay cudurka macanka taas oo laga daaweynayay iyadoona 4-tii bishaan ee May uu ka tagay magaaladatan Nairobi uuna safray tuulada Kagawet ee ismaamulka Bomet asagoo raacay gaari uu booliska leeyahay oo u la socday sarkaal ee qaraabo ahayeen.
Kosegei ayaa maalintii xigtay ku dhintay isbitaalka Longisa Referral Hospital ee Bomet.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here