Shaqaale gargaar iyo dhaqtar u dhashay dalka Japan oo lagu dilay dalka Afganistan

Ugu yaraan lix qof, oo uu ku jiro dhakhtar u dhashay dalka Japan iyo shaqaale gargaar, ayaa la diley ka dib markii rag hubaysan oo aan la garaneyn ay weerareen gaari ay la socdeen ee bariga dalka Afganistan.
Tetsu Nakamura, oo madax u ah Adeegyada Caafimaadka Peace Japan, ayaa u dhintey dhaawicii soo gaaray ka dib weerarkii ay kooxaha hubaysan kuq aadeen kaasi oo ka dhacay gobolka Nangarhar .
Attaullah Khogyani, oo ah afhayeenka gudoomiyaha gobolka Nangarhar, ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in nasiib daro ay dhinteen shaqaale gargaar iyo dhaqtar caafimaad.
Booliska Nangarhar ayaa sheegay in ay baadi goobayaan kooxdii soo weerartay, dadkaasi kuwaas oo goobta ka cararay, waxaana socda baaritaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here