DHAGEYSO:Shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo Tababar loo Furay

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumada Fedraalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta 07 07 2020 tababar sare loogu qaadayo aqoontooda u furay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.
Agaasimaha shaqaalaha iyo tababarrada wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdi Raxiin Ciise Caddow oo ka hadlay tababarka ayaa sheegay in qof kasta looga baahan yahay inay si daacad ah u gudato waajibaadka ka saran u adeegista Qaranka isla markaa waxaa uu balan qaaday in la sii kordhin doono sare u qaadista tayada shaqaalaha wasaarada warfaafinta.
Wasiirka oo la hadlay howl wadeennada wasaaradda gaar ahaan waaxda Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay aqoon kororsigaan uu yahay in aqoonta shaqaalaha kor loo qaado isla markaana la tayeeyo shaqada warbaahinta.
Wasiirka wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kula dardaarmay howl-wadeennada wasaaradda inay ka go’naato hormarinta waajibaadka shaqo ee Qaranku u idmaday”qofkast oo damiirkiisu nool yahayna laga doonayo inuu Warbaahinta dowladda shaqada uu u hayo ku qabto dareen iyo rabitaan sax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here