Shaqale ka tirsan maamulka Canshuuraha dalka oo karantiil la galiyay

Toban ka mid ah Shaqaalaha Maamulka Canshuuraha ee Kenya (KRA) ayaa la faray inay karantiil galaan ka dib markii ay la xiriireen dhowr ajnabi ah oo laga helay cudurka ‘coronavirus’.
Xubnaha shaqaalaha ay saameynta ku yeesheen ayaa ka shaqeynayey dekada Mombasa sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargayska Daily Nation.
Arinta ugu dambaysay ayaa timid kadib markii dhowr shaqaalaha Maamulka Dekadaha Kenya (KPA) lagu karantiilay Akadeemiyada Badda ee Bandari.
Shaqaalaha KPA iyo KRA ayaa si dhaw u wada shaqeeya, taaso kordhineysa halista infekshan udhaxeeyo labada hay’adood.
Tani aya timid markii shalay ay wasaaradda caafimaadka dalka shaacisay inay sii kordheen kiisadka cudurkan taasi ooh adda gaaraysa 189 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here