Shaqo joojin ka taagnayd Madaarka Muqdisho oo xal laga gaaray

Wararka ka imaanay Gagida Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Xal laga gaaray Shaqo joojin ay maanta ku dhawaaqeen Shirkaddaha diyaaradaha ee howlgalla Garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.
Shaqo joojinta ayaa timid ka dib markii diyaarad sida la sheegay ku sii jeeday degmada Dollow ee gobolka Gedo ay Ciidanka sirdoonka iyo Nabad Sugida qaranka Soomaaliya ee NISA ka joojiyeen Shaqada.
Shir u bilowday Mas’uuliyiinta Garoonka iyo Shirkaddaha diyaaradaha ayaa lagu guuleystay in xal buuxa laga gaaro, iyadoo hadda shaqadii Garoonka Aadan Cadde ay dib u bilowtay.
Boqolaal rakaab ah oo ku xayirnaa Garoonka ayaa sidoo kale lagu waddaa inay halkaasi ka dhoofaan Saacadaha Soo aadan
Waxaa sidoo kale Shirkadaha diyaaradaha ay soo gudbiyeen cabashooyin dhowr oo ka dhan ah taliska Hay’adda NISA ee garoonka, iyadoo la isku raacay in si wadajir ah wax looga qabto Tabashooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here