Shaqsi sheegay in Dr Fred Matiangi uu ku dhacay Covid-19 oo xabsiga lagu sii hayn doonno

Waxaa shalay maxkamd ku talla magaaladatan Nairobi la soo tagay shaqsi lagu eedeynayo inuu soo dhigay barta Facebook-ga qoraal uu ku sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’I uu haleelay xanuunka COVID-19 kuna jiro qaybta lagula tacaalo bukaanada xaaladooda liidata ee ICU-da.
Ninkan oo lagu magacaabo Isaaq Kibet ayaa shalay lagu soo oogay dacwad ka dhan ah arrintan.
Kibet ayaa xabsi lagu soo hayn doona laba maalmood si baarayaasha lagu oggolaado baritaano dheeraad ah.
Qareenka difaacaya eedeysanaha ayaa codsaday damiin balse dacwad oogaha ayaa arrintan ka soo horjeestay waxaa uuna dhanka kale xusay in baritaano dheeraad lagu sameenayo akoonkiisa facebook.
Waxaa uu dhanka kale codsaday in xabsiga lagu sii haayo muddo 14 maalmood.
Eedeysanaha ayaa waxaa sabtidii todobaadkan soo qabtay saraakiiisha waaxda dambi baarista DCI-da waxaana laga soo qabtay deegaanka Ngeria ee ismaamulka Nakuru.
Sida ay sheegeen waaxda DCI-da in booliska ay heleen telefoonka gacanta iyo Laptop oo lala xiriirnayo inay u adeegsaday qoraalka u Facebooka-ga soo dhigay.
Dr. Matiang’i ayaa jimcadii waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu ku dhacay xanuunka COVID-19 asaga oo sheegay inay dadkaasi faafinay ay yihiin kuwa doonaya inay wadada saxda ka leexiyaan.
Matiang’i ayaa sheegay inuu dacwad u gudbiyay waaxda booliska si ay baaritaan ugu sameeyaan arrintaasi.
Waxaa uu timaaamay in ilaa iyo hadda sameeyay seddex baaritaan ee la xiriira cudurka coronavirus, isagoo raaciyay inuusan ka labalabeyn doonin inuu si cad u shaaciyo xaaladdiisa hadii uu ku dhaco cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here