DHAGEYSO:Sharciga Maalgalinta Soomaaliya oo baarlamaanka loo gudbiyay.

Wasaarada ganacsiaga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa baarlamaanka u gudbisay sharciga maalgashiga Soomaaliya si ay u meelmariyaan kadina uu dalka uga dhaqan Galo.
Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Eng C/laahi Cali Xassan ayaa sheegay inay Golaha shacabka u gudbiyeen sharciga taya dhowrka qaranka oo dalka muhiimada weyn u leh.
Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Eng C/laahi Cali Xassan ayaa sidoo kale Tilmaamay inay jiraan sharuuc kale oo ay diyaariyeen kuwaasoo ay Filayaan inay dhawaan u gudbiyaan golaha wasiirada Soomaaliya si markale ay xildhibaanadu cod ugu qaadaan.
Wasiirka ayaa xusay inay dhawaan saxiixeen Heshiis Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeyaba u ogolaanaya inay Maalgashadan dalka Soomaaliya.
Waxana intaasi raaciyay inuu dhawaan dalka Shiinaha uga qaybgalay kulan maalgashiga ku saabsan si loo hormariyo gaalinta Soomaaliya lagu Samaynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here