Sheekh Shaakir oo ka hadlay dagaalka Gobolka Mudug baaqna diray

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ka mid ah hoggaankii Ah-lu sunna oo looga awood roonaaday degaannada Galmudug ka Tacsiyeeyay shacabkii ku naf waayay dagaalkii Al-Shabaab ku qaaden Saaka deegaannada Shabeelow iyo Qaranroow ee hoostaga Degmada Bacadweyne ee Gobolka Mudug.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shaakir ayuu ku sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay Shabaab fariisimo ka sameysanayeen degaannada Galmudug.
Waxaa uu ugu baaqay Shacab iyo Maamul intabadan inay si wadajir ah uga soo wada horjeestaan Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay la dagaalamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here