Sheekh Shaakir oo taageero weeydiistay Dowladda Somalia

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Shaakir ayaa dowladda federaalka soomaaliya tageero weydiistay.
Waxaa uu sheegay Sheekh Shaakir in hoggaanka Ahlusunna ay raadinayaan midnimada Galmudug,isla markaana ay dhiseen Galmudug dhameystiran loona baahan yahay inay dowladda taageerto.
Isaga oo la hadlayay laanta af-soomaaliga ee Voa-da ayuu xusay in dowladda ay ku fashilantay dhismaha Galmudug loo dhan yahay,hayeeshee ay iyagu kasoo hormareen.
Wuxuu intaas ku daray hadii ay arkaan Maamul mideysan oo loo dhan yahay inay taageeri doonaan.
Waxaa wax laga weeydiiyey howlaha doorasho ee dowladda ka wado Dhuusamareeb,waxaana uu sheeegay in dowladda ay ka rajeynayaan inay u tanaasusho Shacabka Galmudug,isla markaana ay Maamulka ay dhiseen ay taageeri doonto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here