Sheekh Umal oo shil ka badbaaday

Daaciga caanka ah ee soomaaliyeed Sheekh Maxamad Cabdi Umal ayaa idaacadda Star FM u xaqiijiyay inuu shil dhacay uu ka badbaaday.
Arrintan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada ay ku wada xiriirto lagu faafiyay warar sheegaya in sheekha uu shil ku galay isgoyska wadada isku xirta Nairobi iyo Mombasa ee dhanka Garissa.
Sheekha oo uu mowlid Maxamad Shuuriye weydiiyay inay xaqiiq tahay inuu shil galay ayaa qaab farrin ah sidatan ugu jawaabay
“Mowliid waan nabad qabnaa walaale , waxba nama gaarin, gaarigii oo burburay iyo labo neef oo lo’ ah oo dhintay” .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here