SHEEKO XIGMADEYSAN

Waxaa jiray laba nin oo daris ah oo lakala oran jiray Guuled iyo Faarax. Faarax waxa uu ahaa nin beeraaley oo faqiir ah. halka Guuled uu ahaa nin hantiile ah.
Faarax wuxuu ahaa nin noloshiisa ku raaxaysta oo farxad ku nool, xilliga habeenki ah marka uu seexanayo albaabada iyo daaqadaha qolkiisa ma xiri jirin. Guuled waxaa uu la yaabanaa ninkan dariskiisa ah oo iska seexanaya iyadoo daaqadaha iyo albaabka ay u furan yihiin xilliga habeenkii, aad ayuuna uga soo horjeeday farxada uu ninkan haysto.
Maalin maalmaha kamid ah Guuled waxa uu yeeray Faarax waxa uuna siiyay Qasnad ay lacag ka buuxdo. waxuuna ku yiri:”Saaxiib Hoo lacagtaan, waxaan arkaa inaad nolol faqiirnimo ku nooshahay, waxaan rajaynayaa in lacagtaan ay meel kaaga soo bixi doonto.”.
Isla markiiba aad ayuu u Farxay, sidii maalintii oo dhan Lacagta u koolkooliyaba waxaa la gaaray habeenkii, waxa uu aaday sariirta si uu u seexdo, laakiin caawa ma seexan karo, xitaa daaqadaha iyo albaabada ayuu xiray si uu lacagta uga taxadaro, laakiin wali ma seexan karo, waxa uu kolba lacagta eegaba waagii ayaa ku cadaaday isaga oon gama’siin(aan seexan).
Markii waagu cadaaday ayuu lacagtii isaga oo wada waxa uu u geeyay Guuled, “Saaxiibkeyga Qaaliga ah. waxaan ahay faqiir, lacagtaada waxay ii diiday farxadii aan haysan jiray, fadlan hoo lacagtaada, dibna iiga qaado.”.
Hadaba waxaan sheekadaan ka faa’ideynaa farxada noolasha in aysan ku xirneyn inaad hantiile tahay balse ay tahay inaad ku qanacdo nolashaada dabaqada ay tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here