Shiinaha iyo Maraykanka oo ka wada hadlay coronavirus

In this October 2018 photo U.S. Secretary of State Mike Pompeo, left, shakes hands with State Councilor Yang Jiechi, China's top diplomat, in Beijing. The two met Wednesday in Hawaii as relations between the U.S. and China continue to deteriorate.

Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa yeeshay wada hadalo ku saabsan sida ay u jiri karto daahfurnaan la xiriirta caabuqa coronavirus.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa kulan la qaatay diblomaasi sare oo matalaya Shiinaha laguna magacaabo Yang Jiechi.
Waxay labadan mas’uul ku heshiiyeen in dalalkooda ay wadagaan xogta ku saabsan fayraska si loo xakameeyo loogana hor tago inuu mar kale dillaaco.
Bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu xusay in Mike Pompeo uu sido kale caddeeyay inay lagama maarmaan tahay in xukuumadaha Washington iyo Beijing ay daacad isaga noqdaan heshiisyada ganacsi , amni iyo xiriirka diblomaasiyeed.
Maraykanka iyo Shiinaha ayaa horay midba midka kale ku eedeyay inuu ka dambeeyo caabuqa caalamka ku yeeshay saameynta ba’an.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here