Shiinaha oo aan sannadkan dejin qorshaha dhaqaalaha

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Beijing Li Keqiang

Dowladda dalka Shiinaha ayaa sheegtay in sannadkan aynan soo bandhigi doonin bartilmaameedsigeeda ku aaddan dhaqaalaha.
Go’aankan ayaa lagu saleeyay in caabuqa corona ee sababo cudurka covid-19 uu si weyn u saameeyay dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Beijing Li Keqiang ayaa sheegay inay mudnaanta koobaad siin doonaan shaqo abuurka iyo sare u qaadidda heerka maciishadda.
Waxay noqonaysa markii ugu horreysay tan iyo 1990 oo aynan dowladda Shiinaha dejin qorshaha sanadlaha ee dhaqaalaha wadankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here