Shiinaha oo amray in Maraykanka uu xiro qunsuliyadiisa Chengdu

Dowladda Shiinaha ayaa amar ku siisay Maraykanka inuu albaabada isugu dhufto qunsuliyadiisa uu ku leeyahay magaalada galbeedka ee Chengdu.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha, ayaa warbixin ay soo saartay saaka ku sheegtay in xiritaanka qunsuliyadda ay tahay mid sharci ah .
Shiinaha ayaa tan kaga aargudanaya Maraykanka kaddib markii xukumadda Washington ay amartay in shiinaha uu xiro qunsuliyadiisa magaalada Houston ee gobolka Texas.
Waxaana sii kordhaysa xiisada ka dhex taagana labadan dowladooda ka dib markii Maraykanka uu shiinaha ku eedeeyay faafitaanka Corona Virus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here