Shiinaha oo beeniyay inuu daahiyay macluumaadka COVID-19 ee uu la wadaagay WHO

Shiinaha ayaa sheegay in wararka sheegayo inay daahiyeen macluumaadka ku saabsan fayraaska koroona oo ay la wadaageen hay’aada caafimaadka adduunka ee WHO ay tahay mid been ah.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian ayaa beeniyay eedeymaha ah in Shinaha ay daahiyeen macluumaadka muhiimka ah ee la doonayay in lala wadaago WHO.
WHO ayaa marar badan Shiinaha ku amaantay in ay si dhaqso ah ula wadaagtay macluumaadka muhiimka iyo in ay ka fal celisay durbaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here