Shiinaha oo beeniyay inuu xirayo ajaaniibta

Dowladda Shiinaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warbixin lagu sheegay in hadii ajaaniibta gaar ahaan kuwa u dhashay Maraykanka ay dalkeeda tagaan xabsiga loo taxaabaya.
Xukuumadda Beijing ayaa dhanka kale Maraykanka ku eedeysay inuu dhibaateeyo aqoonyahanadeeda.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in Maraykanka uu wado dhulun siyaasadeed oo aan geed loogu soo gabban.
Wargayska The Wall Street Journal ayaa maalinkii Sabtida qoray in saraakiisha Shiinaha ay soo saareen digniino joogto ah oo loo diraya dowladda Maraykanka oo ku saabsan in muwaadiniinteeda gacanta lagu dhigaya hadii ay Shiinaha tagaan.
Bishii sagalaad ee sannadkan ayay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka shacabka dalkaas uga digtay inay u safraan Shiinaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here