Shiinaha oo berri qaadaya xayiraadda saaran Wuhan

WUHAN, CHINA - FEBRUARY 21 2020: Government workers and volunteers guard at the entrance to a residential block locked down to curb the COVID epidemic in Wuhan in central China's Hubei province Friday, Feb. 21, 2020.- PHOTOGRAPH BY Feature China / Barcroft Studios / Future Publishing (Photo credit should read Feature China/Barcroft Media via Getty Images)

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay berri oo Arbaco ah qaadi doonto xayiraadda dhanka socdaalka ah ee magaalada Wuhan ee dalka wadankaas.
Wuhan ayaa ah goobta uu ka soo billowday caabuqa Coronavirus ee cudurka Covid-19 ka hor inta uunan ku sii fidin dalalka kale ee caalamka.
Dhanka kale Boqortooyada Ingiriiska ay ku dhawaaqday xakamayn adag ee oo dhanka isu socodka dadweynaha ah si loo yareeyo faafitaanka COVID-19.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii waddankaasi laga soo tabiyay 52 dhimasho oo dheeraad ah waxaana ila hadda dalkaasi tirada dhimashada ay gaartay 335 qof.
Faransiiska, Spain iyo Talyaaniga ayaa ayaa xayiraad tani lamid lagu soo rogay waxaana qaaradda Yurub hadda loo aqoonsaday xarunta faafitaanka cudurka.
Haya’ada caafimaadka adduunka WHO ayaa u digtay wadamada Afrika si ay u dardargaliyaan ka hortaga cudurkaan iyadoo dalalka Senegal, Koonfur Afrika iyo Ivory Coast ay kamid yihiin dalalka ku dhawaaqay xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah.
Inka badan 190 dal aya hada laga xaqiijiyay Coronavirus guud ahaan caalamka waxaa uuna galaftay nolosha 16,500 qof waxaana cudurkan uu saameeyay 380,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here