Shiinaha oo cunaqabateyn saaray qaar ka mid ah xildhibaanada Maraykanka

Dowladda Shiinaya ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay 11 qof oo ah muwaadiniinta Maraykanka oo ay ku jiraan xeer dejiyaal.
Tallaabadan oo lagu dhawaaqay maanta ayaa ah mid looga falcelinayo go’aan ka soo baxay xukuumadda Washington.
Maraykanka ayaa xayiraad saaray 11 isugu jiro saraakiisha Shiinaha iyo Hong Kong oo uu ku eedeyay inay caqabad ku yihiin madax bannaanida siyaasadeed.
Shiinaha oo arrinkan ka jawaabaya ayaa cunaqabateeyay dad ay ka mid yihiin senetarrada kala ah Ted Cruz, Marco Rubio, Tom Cotton, Josh Hawley, Pat Toomey iyo Chris Smith.
Shakhsiyaadka kale ayaa ka howlgalo hay’adaha aan faaiido doonka ahayn iyo maamullada u ololeeya xuquuqul aadanaha.
Go’aanka Shiinaha waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Zhao Lijian oo shir jaraaid qabtay.
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah muunan ka bixin xayiraadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here