Shiinaha oo daadad awgood daadgureynaya 100,000 oo qof

Maamullada dalka Shiinaha ayaa billaabay inay soo daadgureyaan in ka badan 100,000 oo qof oo ku nool hareeraha webiga Yangtze kaddib daadad halkaas saameeyay.
Daadadka ayaa ka dhashay roobab xooggan oo dhawaan da’ay.
Waxaa laga cabsi qabaa in webiga oo ay biyuhu buux dhaafiyeen uu soo fataho tani oo saameyn ku yeelan karto xarun dhaqameed dhisnayd 1,200 oo sano.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo ay jirto digniin la soo saaray oo tilmaamaysa in heerka biyaha ee meelaha qaar ay sare u kici karaan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here