Shiinaha oo dadaal ugu jira dhisida isbitaalo cusub

Qaar kamid ah hay’aadaha dalka Shiinaha aya bogaadiyay tallabada degdeg ah oo muddo kooban lagu dhisay isbitalo si loogu karantiilo dadka uu soo ritay cudurka Cronovirus.
Cudurkan aya hada galabsaday nolasha 490 qof dalkaasi Shiinaha .
Bukaanadii ugu horeeyay aya waxa la geeyay isbitaalkaasi cusub ee laga dhisay magaalada Wuhan oo uu ka dilaacay cudurkani.
Magaaladan aya waxa laga dhisay labo isbitaal kuwaas oo marka laisku daro qaadhi karo 2,600 oo bukaan ah.
Waxaa sidokale jiraa dhowr isbitaal oo kale kuwaas oo dhisidoodha la gudha galay guud ahaan dalkaasi.
Waxa lagu wadaa in isbitaaladan cusub ay hoos u dhigaan faafida cudurkan oo aad u saameeyay dhul weeynaha Shiinaha.
Caabuqa Cronovirus aya waxaa uu soo ritay ku dhawaad 25,000 kun oo qof guud ahaan Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here