Shiinaha oo diiwaan geeliyay kiisas cusub oo ah fayraska koroona

Shiinaha ayaa xaqiijiyay tirada ugu badan ee kiisaska cudurka korona saddex toddobaad gudahood ka dib markii dhowr xaaladood laga helay dad ka soo noqday Masar.
Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa soo sheegay 16 xaaladood oo cusub, oo dhamaantood ah dad ka yimid dibedda.
Telefishanka dawladda Shiinaha ayaa sheegay in 11 qof oo ka soo dagay Sichuan kana yimid Masar laga helay cudurka iyo lix qof oo kale.
Shirkadaha duulimaadyada ee dalka India ayaa amar lagu siiyay inay faaruqeeyaan kursiga dhexe si loo yareeyo faafida cudurka COVID-19.
Si kastaba, xubnaha isku qoys ah ayaa loo oggolaan doonaa inay wada fadhiistaan, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Duulista Rayidka.
Isgoysyada taraafikada iyo baabuurta dadweynaha ayaa ku soo noqday caasimadda Philippine, iyadoo magaaladu laga khafiifiyay xayiradaahii saarnaa ee looga hor tagayay faafida fayraaska koroona.
Turkiga ayaa dib u bilaabay duulimaadyadii maxalliga ah maadaama la fududeynayo xannibaadihii dalka ka jiray tan iyo bishii Maarso si loo xakameeyo cudurka COVID-19.
Wadanka Giriigga waxaa la qaaday xayiraadihii saarnaa hoteelada, shineemooyinka iyo goobaha lagu dabaasho iyadoo ay labo toddobaad ay ka harsan tahay mudada muhiimka ah ee dalxiisayaashu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here