Shiinaha oo diiwaangeliyay xaalado cusub oo ah 12

Dowladda dalka Shiinaha ayaa xaqiijisay 12 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19.
Hal maalin ka hor tiradan ayaa ahayd 17.
Guddiga qaran ee caafimaadka dalka Shiinaha ayaa sheegay in 5 ka mid ah kiisaskan lagu arkay dad ka soo laabtay safarro ay ku tageen dibadda.
7-da kiis oo si maxalli ah la isugu gudbiyay ayaa laga helay gudaha caasimadda wadankaas ee Shiinaha.
Shalay ayay ahayd markii maamulka magaalada Beijing uu fayraska corona ka baaray saddex meelood hal meel dadweynaha halkaas ku nool.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka COVID-19 ee Shiinaha waxay hadda tahay 83,512 halka dhimashadan ay weli taagan tahay 4,634.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here