Shiinaha oo hay’adda WHO siinaya deeq dheeraad oo dhan $30 milyan

Dowladda dalka Shiinaha ayaa la filayaa inay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku wareejisay deeq lacageed oo dheeraad ah oo gaaraysa 30 milyan oo doolar.
Dhaqaalahan ayaa gacan ka gaysanaya la dagaalanka cudurka COVID-19.
Deeqdan la bixinaya iyo qiimaha ay tahay waxaa sheegtay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadankaas Hua Chunying .
Mrs. Hua ayaa barta twitarka soo dhigtay qoraal ah in lacagtan lagu taageeri doono hannaanka caafimaad ee wadamada uu dhaqaalahooda soo kobcaya .
Waxay intaa ku dartay in Shiinaha uu bishii saddexaad ee sannadkan hay’adda WHO ugu deeqay 20 milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here