Shiinaha oo jawaab ka bixiyay hadalkii uu dhawaan jeediyay madaxweyne Donald Trump

Beijing ayaa ku eedeesay siyaasiyiinta Mareykanka inay been ka sheegayaan cudurka safmarka ah ee COVID-19 kaas oo aafeyay dunida.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya wax yar un kadib markii madxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in Shiinaha uu ka dalban doono dhamaan wax yeeladii uu geestay fayraska korona.
Geng Shuang oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in Mareykanka uu u diyaar garoobin ka hor taga caabuqa isla markaana uu doonayo dareenka dadweeynaha.
Guud ahaan caalamka tirada dadka uu ku dhacay fayraska korona ayaa gaartay 3,070,540 waxuuna nolashoodu galaftay 211,789.
Waxaa ka bogsaday in ka badan 925,000 oo qof.
Madaxweynaha dalka Masar Cabdel Fatax Al-Sisi ayaa saddex bilood ku daray mudadii dheereyd ee uu wadankaasi ku jiray xaaladda deg deg ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19.
Dalkan oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo qof ayaa hadda waxuu coronavirus ku dhacay 4,782 qof waxaana u dhintay 337.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa xaqiijisay 181 kiis oo cusub iyo dhimashada 19 qof.
Cadadkan ayaa dhimashada guud ka dhigeeysa 530 halka kiisaska ay dhan yihiin 7,958.
Carruur ku nool dalka Ingriiska ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen inay u dhinteen xaalad aan caadi ahayn isla markaana lala xiriirinayo fayraska korona.
Pakistan waxay soo tabisay tiradii ugu badneeyd ee maalin laha ahayd ee u dhimata cudurkan oo ah 20 dhimasho ah iyo 751 kiis oo cusub.
Tirada guud ee dadka uu ku dhacay cudurkan dalkaasi Pakistan waxay gaartay 14,079 waxaana u dhintay 301.
Turkiga waxaa laga xaqiijiyay 2,131 oo kiisas dheeraad ah 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaana halkaas kudhintay 95 qof oo dheeraad ah.
Shiinahana wuxuu xaqiijiyay 6 kiis oo cusub kuwaas oo saddex kamid ah ay yihiin dad ka soo safray dalka dibadiisa waxaana tirada guud ee dalkaasi lagu sheegay ay hadda tahay 82,836.
Dhimashada ka dhalatay cudurka Covid-19 ee Faransiiska waxaa ku kordhay 437 waxyna hadda tahay 23,293.
Waxaa sii korortay tirada kiisaska la xiriira caabuqa ee laga diiwaangeliyay dalka Jarmalka.
Waxaa ku darsantay 1,144 halka dhimashada ay sare u sii kacday 163.
Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee laga xaqiijiyay gudaha jarmalka ayaa hadda ah 156,337 halka dhimashadu ay tahay 5,913.
Dhimashada Talyaaniga waxaa ku kordhay 333

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here